|
|||||
WAJAALE NEWS
Ha’yada Manhal Oo Deeq Xoolo Ah Gaadhsiiyay Barkacayaasha Degaanka FARDAHA Ee Degmada Lughaya
June 23, 2013 - Written by AuthorBOORAME (Wajaalenews)-Ha’yada Manhal ee fadhigeedu yahay magaalada Hargaysa ayaa deeq xoolo nool ah u qaybisay dadka ay abaaruhu soo barakiciyeen ee degaanka FARDA LAGU XIDH ee gobolka Awdal, deeqdan xoolaha ah oo ka timid dalka Qadar ayaa waxa markii halkaasi la gaarsiiyay goob joog u ahaa masuuliyiin ka socotay hayada Manhal iyo Sul. Ibraahim Jaamac Samatar. Sarkaal ka socday hayada Manhal xafiiskeeda magaalda Hargaysa Md. Cadiraxmaan Muxumed Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay maanta xooleeyeen dadka barakacayaasha ah ee degaanka FARDAHA ee gobolka Awdal waxana uu yidhi “Waxa aan maanta xoolo nool siinay 25 qoys oo ka mid ah dadkii ay barakiciyeen Abaarahii ba’naa ee gobolka Awdal, waxana aan qoyskiiba siinay 5 neef oo xoolaha, waxana aan dadka degaanka ka dalbanaynaa inay Eebe u laabtaan oo ay ducada iyo dambi dhaaf dalabka badiyaan, waayo GACANTA Eebe oo kaliya ayaa lagu baahi baxaa”. Sidoo Kale Madaxa Hayada Manhal ee gobolka Awdal Cabdiraxmaan Muuse Tubeec oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu si gaar ah ula hadlay dadka la gaarsiiyay deeqda waxana uu yidhi “Xoolaha la idiin qaybiyay waxa loogu talo galay inaad dib ugu dagtaan, waxa aan idinka dalbanaynaa in qoys walba oo maanta la gaarsiiyay xoolahan oo dib ugu laabto meelahii uu ka suu guuray, xoolahana Eebe ha idiin barakeeyo, waxana aan idin xasuusinaynaa inaad ducada iyo dambi dhaafka badisaan” Sul. Ibraahim Jaamac Samatar oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa si balaadhan ugu mahad naqay hayada Manhal, waxana uu yidhi “Hayada Manhal waan u mahadnaqaynaa, waxa ay noqotay hayadii ugu horaysay ee ka soo jawaabtay baaqii qaylo dhaanta ahaa ee aan ka jeedinay degaanada FARDA LUGU XIDH ee aan kaga dayrinay xaala dadka ay abaaruhu barakiciyeen, roobabkuna ugu biireen, waxa aan ugu mahadnaqaynaa sida ay sameeyeen, waxana aan ku celinaynaa in wali ay abaartii iyo barakicii jiro dadkan maanta loo qaybiyay xoolahuna ay yihiin qayb yar oo ka mid ah dadkaasi barakacsan, waxa intan dheer oo aan ugu baaqayaa dadka qurbojooga ah inay taareero soo gaarsiiyaan dadkan barakacsan”. Xildhibaan ka mid ah xildhibaanada golaha degaanka ee Lughaya oo laga soo doortay degaanka FARDA LAGU XIDH, iyo qaar ka mid ah dadka degaanka oo halkaasi ka hadlay ayaa ka mahadnaqay deeqdan xoolaha ah ee la soo gaarsiiyay waxana ay sheegeen inay aad ugu baahnaayeen, walow ay intan loo keenay maantu tahay qayb yar oo ka mid ah kumanaan qoys oo degaankan ku barakacsan oo ay mar kale u dalbadeen deeqo kale. Wajaalenews Desk Hargeysa, Somaliland Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|