Hambalyo Madaxweyne Iyo Dar-daaran Wasiir!. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hambalyo Madaxweyne Iyo Dar-daaran Wasiir!.
June 25, 2013 - Written by Author

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf ayaa qoraal uu soo saaray caawa waxa uu dar-daaran u jeediyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir(Cukuse),
xasan-1

Hargeysa (Wajaale News)Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf ayaa qoraal  uu soo saaray caawa waxa uu dar-daaran u jeediyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), kaasoo uu u rajeeyey inuu wax baddan ka qaban doono arrimaha Saxaafada Somaliland, isla markaana uu ka hawl-geli doono sidii uu u Kobcin lahaa Saxaafada dalka.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Xasan Maxamed Yuusuf waxa kale oo Bogaadin u diray Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ku hambalyeeyey Magacaabista

Wasiirka cusub ee Warfaafinta, waxaanu Qoraalkaasi u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamuuryadda Somaliland Mudane Amed Maxamed Maxamuud (Siiraanyo) waxa uu xalay saqdii dhexe soo saaray Digreeto madaxweyne oo ku saabsan isku shaandhayn uu ku sameeyey Golihiisa Wesiirrada, kuwaasoo isugu jirey, Masuuliyiih cusub oo la magacaabay, kuwo isku beddel lagu sameeyey iyo Kuwo shaqada laga fadhiisiyey, isku shaandhayntan oo in muddo ahba la sugaayey inuu madaxweynuhu sameeyo, Bulshaduna ay toddobaadkii u dambeeyey aad u hadal haysey ayaa isla markii ay soo baxdayba Ruuxba si   uga faallooday Mid amaanay iyo mid saluugayna dadku way leeyihiin, oo qofba kaskiisa ayuu kortagaa, Balse anigu uma jeedo inaan faallo ka bixiyo ee halka aan u socdaa waa Wesiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyi Gelinta Mudane Cabdillaahi maxamed Daahir (Cukuse).

Run ahaan madaxweynaha Qaranka aad baan ugu hambalyeynayaa Magacaabista uu wasaaradda Warfaafinta u magacaabay Mudane Cabdillaahi-Cukuse, waxaanan leeyahay Madaxweyne Halkaa waad asiibtay oo lamaad seegin aadna waannu kuugu mahad naqaynaa, mar labaad iyo mar saddexaadna waad ku mahadsantahay magacaabista weisiirka warfaafinta.

Dhinaca kale inta aanan la dardaarmin wesiirka cusub, aan wax yar milicsado sooyaalkiisa oo weliba aan kasoo bilaabo meeldhow oo ah sannadkii 1982kii, Xilligaasna waxa aan ahaa Arday wax ka dhigta Dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali, Cabdillaahina waxa uu ahaa macalinkayagii noo dhigi jirey Fisigiska, isgoo ku jira Hawl-gudashadii loo yaqaaney shaqada Qaranka, sannadkii ku xigey waxuu galay Jaamacaddii umadda Soomaaliyeed ee Gahayr, gaar ahaan kulliyaddii dhaqaalaha oo uu ka baxay qaarkii dambe ee siddeetameeyadii, wax yar ka dibna waxa uu ku biiray Dhaqdhaqaaqii hubaysnaa ee SNM, oo uu ka ahaa xubin aad u firfircoon, safka horana wuxuu kaga jirey raggii aasaasay Idaacaddii (Radio SNM) ee codkii dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed, waxaanu ka soo qabtay Xilal kala duwan, sidoo kale

Xorayntii waddanka ka dib waxa uu soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin Agaasimaha waaxda idaacadda, iyo Agaasimahii guud ee wasaaradda warfaafinta oo ahayd xilligii dawladdii Cabdiraxmaan Axmed Cali, xilligii dawladdii Maxamed xaaji Ibraahin Cigaalna waxa uu noqday Ku xigeenka Duqa Caasimada S/lan ee Hargeysa, sidoo kale waxa uu noqday Xoghayaha Dawladda Hoose ee magaalada Hargeysa, markaa ka dibna waxa uu noqday wesiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wesiir ku xigeenka wasaaradda Maaliyadda. Balse markasta waxa uu ahaa suxufi aad u daneeya Mihnadda saxaafadda, oo aan marna ka dhex bixin, wuxuu ahaa weriye aad ugu wanaagsan soo saarista Barnaamijyada iyo tebinta wararka iyo barnaamijyada, door weyna kasoo qaatay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay saxaafadda Somaliland

illaa hadana ku jira mar uu madax ka ahaa iyo mar uu suxufi caadiya ahaaba, Taariikhdaas dheer waxaan u xusayna waxa weeye inaan tilmaamo, Cabdillaahi in uu yahay Ruux aad ugu habboon xilka qaran ee loo magacaabay, Run ahaanna garan maayo cid aan manta idhaahdo way kaga habboonayd, sababna waxaan uga dhigayaa 1- maaddaama uu yahay nin sida ugu  fiican u garanaaya shaqada warbaahinta iyo dadka ka shaqeeya labadaba, 2- maadaama uu yahay nin xog-ogaal u ah xilliga manta la joogo iyo mid horaba, Xaaladda ay ku sugan tahay saxaafadda dalkeennu, oo aanay wax ku seegani jirin haba yaraatee. Waxaanan aaminsanahay inay Saxaafadda dalku u baahnayd in mid iyaga ka mid ahi uu noqdo masuulka ugu sarreeya Warbaahinta qaranka.

Gees kale haddaan u leexdana Md, Cabdillaahi-Cukuse waxa looga fadhiyaa, wax aan looga fadhiyin raggii isga ka horreeyey, sababtuna waa tii aan soo sheegay, Sidaa darteed Mudane Wasiir waxa lagaa sugayaa inaad u hawl gasho sidii ay saxaafadda iyo suxufiyiinta S/lan halkan manta uga horu mari lahaayeen, waxa lagaaga fadhiyaa inaad kalsooni ka dhex abuurto  dhammaan saxaafadda dalka ka jirta, waxa lagaa sugayaa inaad gacan qabato

Ururrada saxaafada, waxa lagaa dhawrayaa inaad si dhakhso ah uga hawl gasho Khilaafka u dhexeeya saxaafadda iyo xukuumadda oo aad abuurto isfahan dhex mara oo dalka iyo dadkuba u aayaan, waxa lagaa filayaa inaanad kala dhaweysan warbaahinta dawliga ah iyo tan madaxa bannaan oo aad maanka ku hayso inaad wesiir u wada tahay, waxa lagaa eegayaa inaad jeexdo tub cusub oo lagaga baxo tan manta lagu jiro, waxaanan aad kuugula dar daarmayaa inaad maanka ku hayso inaanay saxaafaddu kuu arkeynin sidii ay u arkeysey Wesiirradii kaa horreeyey, Waxaanad ogaataa inaanu si weyn kuugu tuhmeyno inaad wax badan nagu soo kordhin karto,  haddii aannu kugu hungownana inay taariikhda Saxaafaddu si gaara kuu xusi doonto. Qoraalkaygana waxaan kaga baxayaa Tuducyadii Qaasim ee ahaa

  Nolosha gebigeedo dhammi waa, Gole Ciyaareede

  Gardarriyo xumaan iyo Samaan, Gees ay noqotaaba

  Qofba wuxuu dadwenaha Gashaday, Gumaradeed Maalye

  Ninba Geedka uu beertaybuu, Goosan Midhihiiye

  Go?aan keeduna waa sheekadoo, Geleysa Taariikh”

Wajaale News  Desk

Hargeysa/ Somaliland

COMMENTS
LINKS