Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa Maanta Bulshada Caalamka ugu baaqay in ay noqoto qorshaha ay Maamulka Xawaaladaha Somaliyeed gacanta ugu galinayaan Koonfurta Soomaaliya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa Maanta Bulshada Caalamka ugu baaqay in ay noqoto qorshaha ay Maamulka Xawaaladaha Somaliyeed gacanta ugu galinayaan Koonfurta Soomaaliya
June 24, 2013 - Written by Author

” Maya ayaanu leenahay waxaanu u sheegaynaa kuwa markay wis-wisaan Xamar u cararaya ama meelahaasi carcaraya waxaanu u sheegaynaa Ingiriiska Iyo Obama (Madaxweynaha Maraykanka) ugama haybadaysanayno waxaanay ummadayadu doonaynin” Muj Muuse
biixi

Hargeysa (Wajaale News)- Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta sheegay in Dalka Ingiriisku uu qorshaynayo sidii Madaxwaynaha Xukuumada taagta daran ee Koonfurta Somalia Xasan Sheekh Maxamuud loogu wareejin lahaa ee uu Masuul uga noqon lahaa gabi ahaanba Lacagaha Dadka dibadu ay soo dhigaan Xawaaladaha ku yaal Dhulka ay somalidu dagto oo ay Somaliland-na ku jirto, waxaanu Guddoomiyuhu ugu baaqay Bulshada Caalamku in ay tallaabadaasi ka noqdaan. Muuse Biixi Cabdi, Guddomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, waxa uu xusay in Xasan Sheekh Maxamuud(Madaxwaynaha Soomaaliya) uu ka taliyo mid ka mid ah Sakadaha ku yaal Magaalada Muqdisho oo aanu awood u lahayn uu ku ilaaliyo Nabadgelyada gudaha Magaalada Muqdisho, sidoo kalena ay Dagaalo waawayni ka socdaan Meelo badan oo ka tirsan inta uu Maamulkeedu sheegto. Waxaanu yidhi “ Maya ayaanu leenahay waxaanu u sheegaynaa kuwa markay wis-wisaan Xamar u cararaya ama meelahaasi carcaraya waxaanu u sheegaynaa Ingiriiska Iyo Obama (Madaxweynaha Maraykanka) ugama haybadaysanayno waxaanay ummadayadu doonaynin”

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Maanta ka hadlayay Xaflad Shahaadooyin lagu guddoonsiinayay Ciyaartoygii iyo Kooxihii Kaalmaha hore ku guulaystay tartankii Ciyaaraha Gobolada Somaliland, ayaa ku dheeraaday halgankii dheeraa ee dib ula soo noqoshada Madax banaanida Somaliland iyo Maraaxilkii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay Somaliland gaar uga istaagtay Dalkii Somaliya la isku odhan jiray.

Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Xisbul Xaakimka Kulmiye, waxa uu ka dhawaajiyay in Qorshaha Arimaha dibada ee ay Xukuumada Somaliland ku shaqaysaa uu yahay mid ku sar go’an Khudbadii uu Madaxwaynaha Somaliland ka jeediyay Shirkii Ankara markii uu la kulmay Madaxwaynihii hore ee Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Xasan isla markaana ay ku shaqayn doonaan. Isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Qodobka innoogu adagi waa Arrimaha dibadda, mucaarid badan baa KULMIYE ku canaanta Arrimaha dibadda, waxaan doonayaa inaan inyar cadeeyo. Maanta dibadda halkee ayaynu maraynaa? Arrimaha dibadda sadexdaas sanadood waxa uu ku socdaa waxa nuxur u ah Khudbadii Madaxweynuhu ka jeediyay Ankara Raysal Wasaaraha Turkiga hortiisa isagoo fadhiyay markii la doodayay ninkaas Xamar xukuma ee Xasan-ka Madaxweynaha Soomaaliya. Garnaqsigeenu wuxuu ahaa kamay dhicin caalamka meel inta la xasuuqay oo diyaaradii halkan ka kacday ay xasuuqday oo haddana lagu odhanayaa iyagaa lagugu ictiraafayaaye’e dhegayso. Khudbadii Madaxweynuhu kula garnaqsaday Raysal wasaaraha Turkiga halkaasi oo Xasan-na fadhiyay taasi ayay ahayd.”

Guddoomiyaha KULMIYE oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Soomaaliyi waxay wada hadlaysaa marka la aqoonsado wixii gaadhay dalkan iyo xasuuqii ku dhacay, inta ka horeysa waxba la wada hadli maayo. KULMIYE taasi ayaa udub dhexaad u ah. Dad badan baa imika wis-wisay oo yidhaahda KULMIYE halkee buu innagu wadaa Raysal wasaarihii Ingiriiskana waa la diiday wixii uu soo jeediyaye’ oo KULMIYE wuu inna gudoominayaa. Maya ayaanu leenahay waxaanu u sheegaynaa kuwa markay wis-wisaan Xamar u cararaya ama meelahaasi carcaraya waxaanu u sheegaynaa Ingiriiska Iyo Obama (Madaxweynaha Maraykanka) ugama haybadaysanayno waxaanay ummadayadu doonaynin.”

Ugu dambayntii Mr. Biixi, waxa uu Hambalyo u diray Ciyaartoygii iyo Kooxihii Kaalmaha hore ku guulaystay tartankii Ciyaaraha Gobolada Somaliland ee imika la soo af meeray. Sidoo kale, Guddomiyuhu waxa uu Hambalyo u diray guud ahaanba Ciidamada kala duwan ee Somaliland ee iyagu hadh iyo habeenba heeganka ugu jira ilaalinta Nabadgelyada Dalka Somaliland.

Wajaale News Desk

Hargeysa Somaliland

COMMENTS
LINKS