|
|||||
WAJAALE NEWS
Guddida qaban qaabada Shirka Hoodaale oo diyaariyay Madashii uu shirku ka qabsoomayay
June 24, 2013 - Written by AuthorMudadii koobnayd ee Xubnaha Wafdigu ay joogeen halkaasi ayaa waxa ay gabi ahaanba gooyeen Geedka Garan-waaga oo meesha aad uga baxay iyaga oo gubay Xashiish ay meesha ka soo ururiyeen. Waxaanay banneeyeen barxada Iskuulka horteeda iyaga oo Nadiifiyay halkaas Hargeysa (Wajaale News)- Wafdi balaadhan oo uu Hogaaminayo Guddoomiye ku xigeenka Guddida qaban qaabada Shirka Hoodaale Yuusuf Warsame Axmed ayaa maanta tagay Tuulada Agabar oo loo qorsheeyey in lagu qabto Shirka ay dhawaan yeelan doonaan Beesha Badhtamaha, Woqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa (Sacad Muuse) ujeedada Wafdigan ayaa ahaa sidii ay u sii diyaarin lahaayeen goobta uu shirku ka qabsoomayo oo ah Dugsiga Hoose/Dhexe ee Agabar. Waxana Xubnaha Wafdigan halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyey odayaasha Deegaanka iyaga oo u sammeeyey Casuumad Qado sharaf ah. Mudadii koobnayd ee Xubnaha Wafdigu ay joogeen halkaasi ayaa waxa ay gabi ahaanba gooyeen Geedka Garan-waaga oo meesha aad uga baxay iyaga oo gubay Xashiish ay meesha ka soo ururiyeen. Waxaanay banneeyeen barxada Iskuulka horteeda iyaga oo Nadiifiyay halkaasi. Munaasibad kooban oo loo sammeeyey Wafdiga ayaa waxa hadalo ka jeediyay qaar ka mid ah Xubnaha Wafdiga iyo odayaashii Deegaanka ee martida loo ahaa. Ugu horayn waxa halkaasi hadal ka jeediyay Oday Cabdi Cumar oo ka mid ah Odayaasha Deegaanka ee Halkaasi ku soo dhaweeyey ayaa Hadal kooban oo uu halkaasi ka jeediyay si wayn uga Mahadnaqay imaatinkooda, waxana Hadaladiisii ka mid ahaa “hadaanu nahay hadaanu nahay Odayaashii Deegaanka waxa aanu halkan ka sheegaynaa in hawshii shirka wajigeedii hore uu si fiican u bilawday oo si fiican u socdo oo ay dhamays tiran tahay gol xaadhkeedii iyo hawsheediid. Cida Mahadeeda lihina waa Guddida qaban qaabada Shirka Hoodaale oo runtii Hurdada naga toosisay” Sidoo kale waxa iyaduna Madasha Hadal ka jeedisay Marwo Foosiya Axmed Daahir iyada oo ugu baaqday guud ahaanba Haweenka Reerku in ay qayb laxaad leh ka qaataan isku dubaridka iyo Agaasinka Hawsha shirka ee dhawaan halkaasi ka dhici doona. Marwo Foosiya Axmed Daahir waxa ay ugu baaqday Haweenka Qurba joogta ahi in ay si wayn ugu diyaar garoobaan Hawsha Shirka oo qayb muuqata ay ku yeeshaan, waxana hadaladeedii ka mid ahaa “ Haweenka Sacad Muusena waxaan ka filayaa sidaa iyo si ka sii fiican, waxaanan leeyahay qaybtiinii ka soo qaata oo ku darsada” Marwo Foosiya Axmed Daahir waxa ay intaasi ku dartay “ Maanta ilaa Lixdii Subaxnimo ilaa imika (Lixdii Galabnnimo) waxa aanu u taagnayn Agaasinka goobta uu shirku ka qabsoomayo iyo diyaarinta Gogosha Sacad Muuse. Cid kasta oo ka mid ah Haween waynaha Sacad Muusena waxaan leeyahay ha nalaga qayb qaataan” Mujaahid Axmed Cali Dable oo ka mid ahaa Masuuliyiintii Hogaaminaysay Wafdiga isla markaana ka mid ah Guddida Qaban qaabada Shirka Hoodaale ayaa si wayn ugu Mahad celiyay Odayaasha Deegaank ee halkaasi ay ugu tagen soo dhawayntooda iyo Casuumadii ay ku sharfeenba. Axmed Cali Dable oo ku hadlayay Afka Xubnaha Wafdiga ee halkaasi tagay ayaa waxa uu yidhi : “cidii ugu horeysey ee noogu dhawaaqday waxa ay ahayd Madax dhaqameedkeena oo uu Hogaaminayo Suldaanka guud ee Beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan C/laahi Suldaan C/raxmaan, Ugaas Ibrahim Axmed Jilba-dhige iyo Ugaas Xawaareeye iyo waliba rag kale oo badan ” Mujaahid Axmed Cali Dable waxa uu intaasi ku daray “ Anaga Cidina Lacag nama siiso Cidna uma shaqayno, Guddidayada Qaban qaabadu waxa ay ku shaqeeyaan waa Magaca Reerka. Taasi ayaananu galinaynaa Dedaalkayaga iyo Caqligayaba Anaga iyo inta kale ee nala hawl gashaaba. Waxaan aad iyo aad ugu Mahad naqaya Beelwaynta degan Halkan (Agabar) waxaanan ILaahay ka baryayaa in Shirkani uu ku dhammaado Guul oo Cid kastaba Anfaca” Mujaahidku waxa uu Carbaabay in ay wanaagsan tahay in Dugsiga Hoose/Dhexe ee Agabar in loo aqoonsado Jaamacad lagu barto Cilmiga Beeraha. Waxaanu Wasaarada Waxbarashada ka codsaday in ay Dib u habayn ku samayso Dugsigan oo burbursan. Ugu dambayntii Mujaahid Axmed Cali Dable waxa uu sheegay in Cida danta Sacad Muuse wadaa ay yimaadaan Agabar ee aanay dhex meeraysan Hudheelada iyo Suuqyada Magaalada Hargeysa. Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi hadalo Mahadnaq iyo Bogaadin isku jira halkaasi ka yidhi, Mujaahid Aaden Maxamuud Diiriye (Aaden Ruush) iyo Maxamed Ciise Toyeete oo si wayn ugu Mahad celiyay soo dhawayntii ay Odayaashu u sammeeyeen iyo Casuumadii ay sameeyeenba. Waxaanay ku guubaabiyeen in ay dedaalkooda halkaasi ka sii wadaan. Guddidan qaban qaabada ee Maanta halkaasi tagay ayaa waxa Magacaabay Suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan C/raxmaan Suldaan Diiriye. Waxana Shirkan oo Muddo qaban qaabadiisu ka socotay Gudaha Dalka iyo Dibadiisaba la qorsheeyey in la qabto badhtamaha Bisha Ramadaan oo waafaqsan 17-ka Bisha Augost Sanadkan aynu ku jirno ee 2013. Related posts:Afhayeenkii Hore Ee Madaxtooyada Jsl Oo ka Hadlay Sobobta Axmed Siilaanyo Uga Qaybgali Waayay Shirka... Wasaarada Waxbarashada Somaliland Oo Shaacisay Wakhtiga Rasmiga Ah Ee Loo Fadhiisanayo Imtixaanka Sh... Cuqaashta Dhallinyarada Aqoonyahanada Waxgaradka Culimo Awdiinka Xildhibanada Oo Hambalyo Udiraya Um... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|