Golaha Deegaanka Laascaanood oo magacaabista Warancade soo dhaweeyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Golaha Deegaanka Laascaanood oo magacaabista Warancade soo dhaweeyay
June 27, 2013 - Written by Author

Hargeysa (Wajaale news)- qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Deegaanka degmadda Laascaanood ayaa Hambalyo u diray Cali Maxamed Warancade oo Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland. Afarta xildhibaan ee kala ah C/casiis Xuseen Maxamed, C/fataax Caynaanshe, Mukhtaar Mahad Cawad, iyo Xildhibaan Aadan Maxamed Cali oo Farriin dhinaca Telefoonka ah soo gaadhsiiyay Waaheen ayaa yidhi “ anagoo ah xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Laascaanood waxaanu Hamblayo u diraynaa wasiirka cusub ee wasaaradda Arrimaha gudaha loo magacaabay Cali Maxamed Warancade” ayay yidhaahdeen Waxaanay intaas raaciyeen “ Wasiir waxaanu ku leenahay illaahay xilka ha kuu fududeeyo, xilka culus ee laguu igmaday, waxa kale oo aanu kuu rajaynaynaa inaad wax ka qabato hawlaha ku hor yaala. Waxaan kaa rajaynaynaa inay ugu horeyn doonaan kuwa Golayaasha deegaanka, gaar ahaana dEgmadda Laascaanood, oo hada fadhiid ah, soona gaadhsiiso golayaasha deegaanka” ayay ku yidhaahdeen Farriintooda.

Xigasho: Waaheen

 

COMMENTS
LINKS