|
|||||
WAJAALE NEWS
Muwaadin Codkaaga ugu Hiili (Aqbali mayno Xaqdarada lagu haysto Wargeyska Hubaal)
June 23, 2013 - Written by AuthorHargeysa (Wajaalenews)Xukuumaddu Somaliland ayaan ilaa hadda umada ka qancin weerarkii Wargeyska HUBAAL ay Saraakiisha Booliska ah ee Afka soo duubtay ku soo qaadeen April 24. Hujuumkaas fashilmay ka dib Xukuumaddu waxay sifo sharciga baal-marsan u xayirtay xarunta guud Wargeyska June 12-keedii, illaa maantana waa Xidhanyahay. Sidaas darteed, waxaa muwaadiniinta la gudboon inuu mid waliba itaalkii (Qowl iyo Qoraalba) ku taageero ololahan oo ka sokow sii daynta Wargeyska HUBAAL, lagaga hortagayo Cabudhin sii socota, maadaama Xoriyatul-qowlku inoo wadda danyahay. Wajaalenews Desk Hargeysa, Somaliland COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|