Ergayga Gaarka Ah Ee Qaramada Midoobay U Qaabilsan Arrimaha Soomaalida Nicholas Kay Oo Hambalyeeyey Wasiirka Cusub Ee Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ergayga Gaarka Ah Ee Qaramada Midoobay U Qaabilsan Arrimaha Soomaalida Nicholas Kay Oo Hambalyeeyey Wasiirka Cusub Ee Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis
June 28, 2013 - Written by Author

1043972_1388337891381714_1771826617_nHargeysa (Wajaale News)- Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha soomaalida Nicholas Kay ayaa farriin uu maanta ku daabacay boggiisa twitterka wuxuu hambalyo u diray wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ay aad isku yaqaaneen markii uu Nicholas Kay isaguna ahaa safiirka Britain ee dalka Sudan.

Mr. Kay ayaa farriintiisa uu bogga Twitterka ku qoray wuxuu ku yidhi “Hambalyo, soona dhawaw Maxmed Biixi Yoonis wasiirka arrimaha dibadda ee cusub ee Somaliland, waa nin aanu saaxiib dhaw ahayn, isla markaana ah jaalkayga qaramada midoobay oo aanu dalka Sudan wada joognay mar” ayuu ku yidhi farriinta kooban ee uu ku qoray boggiisa twitterka

Isagoo sii wada farriitana haddana wuxuu yidhi “waxaan aad u rajaynaya inaynu wada shaqayn dhaw yeelan doono” ayuu ku soo koobay qoraalkiisa.

Ambassador Nicholas Kay iyo Ambassador Maxamed Biixi Yoonis ayaa labaduba mar ka wada hawl gallaayey dalka Sudan, isagoo Nicholas Kay ahaa 2007-dii ilaa 2010-kii safiirka Britain ee dalka Sudan, waxaana la xasuusta in Mr. Biixi iyo Mr. Kay ay muddo ka soo wada hawl gallayeen sidii loo xasilin lahaa colaadaha gobolka Darfur iyo dalka Sudan.

 

Halkani Guji oo akhriso farriinta Nicholas Kay Ugu Hambalyeeyey

 

Wajaale News Desk

Hargeysa /  Somaliland

COMMENTS
LINKS