Dagaal u dhexeeya Kooxo Hubeysan oo ka Qarxay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta Somalia | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dagaal u dhexeeya Kooxo Hubeysan oo ka Qarxay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta Somalia
June 26, 2013 - Written by Author

Hargeysa (Wajaale News)- Dagaal culus ayaa Maanta ka qarxay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaasoo u dhexeeya maleeshiyooyin magaalada wada jooga, iyadoo ay xidhmeen gabi ahaanba  isku socodkii magaalada dhexdeeda iyo ganacsigiiba.

Maleeshiyinka dagaalamaya ayaa wuxuu dagaalkoodu ka billowday gaadhi saaka lagu dhacay magaalada gudaheeda, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hub culus iyo mid fudud labadaba.

Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in dagaalku uu ka qarxay xaruntii hore ee Kismaayo oo ku taalla xaafadda Farjanno ee badhtamaha magaalada, uuna ku faafayo qaybo kale oo magaalada ka tirsan.

“Kismaayo waxaa ka billowday dagaal culus oo u dhexeeya kooxo maleeshiyo ah oo kuwada sugan magaalada, ganacsigii  oo dhami  waa xidhmay, isku socodka dadka iyo gaadiidkana way joogsadeen, madaafiic ayaana dhacaysa,”sidaa waxa yidhi, goobjooge ku sugan Kismaayo.

Ilaa imika lama garanayo khasaaruhu inta uu leeg yahay, hasa yeeshee, qaar ka mid ah dadka ku sugan magaalada ay sheegaya in marba marka ka dambeysa uu sii xoogeysanayo.

Ciidamada AMISOM ayaa ku sugan saldhigyadoda, mana jiraan wax waan-waan ah oo lagu qaboojinayo dagaalkan ka socda magaalada, dadkuna waxay ku sugan yihiin guryahooda.

Wajaale News Desk

Hargeysa/ Somaliland

 

COMMENTS
LINKS