Afhayeenka Maamulka Ximin Iyo Xeeb Oo Sheegay In Uu Isku Soo Dhiibay Xasan Daahir Awayse. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Afhayeenka Maamulka Ximin Iyo Xeeb Oo Sheegay In Uu Isku Soo Dhiibay Xasan Daahir Awayse.
June 26, 2013 - Written by Author

Hargeysa (Wajaale News)- Afhayeenka Maamulka Ximin Iyo Xeeb Oo Sheegay In Uu Isku Soo Dhiibay Xasan Daahir Awayse.

Maxamed Cumar Hagafey Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa shaaca ka qaaday in xalay fiidkii ay gacanta ku dhigeen Xasan daahir Aweys iyo ciidamo uu wato oo ku sugnaa degaanka tirsan gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in kulan ay wada qaateen Xasan Daahir Aweys iyo Madaxweynaha Maamulka Ximin iyo Xeeb iyadoo la filayo in ay gaadhaan Degmada Cadaado ee  Xarunta Maamulka Ximin iyo Xeeb.

Sheekh Max’ed Cismaan Caruus oo ka mid ah Saraakiisha Al Shabaab , lana Socda Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa warbaahinta u xaqiijiyay

in Saaka ay ku wajahanyihiin Degmada Cadaado halkaasi oo uu sheegay in ay ka socoto qaban qaabo si weyn loogu soo dhaweynayo Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Shalay ayaa war ka soo baxay Ururka Al Shabaab waxaa lagu sheegay in Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Saraakiisha Sar Sare ee Ururkaasi  uu ka baxay Gacanta Al Shabaab kadib markii laga waayay Guri uu ka degenaa Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/hoose.

 

Wajaale News Desk

Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
LINKS