Abwaan Weedhsame Oo Maansooyin Dareenka Bulshada Ka Hadlaya Daah Furay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Abwaan Weedhsame Oo Maansooyin Dareenka Bulshada Ka Hadlaya Daah Furay
June 29, 2013 - Written by Author

“Waxaanan Qabaa In Waxa Loo TIMG_6250-450x300ahriibayaa Ay Tahay Rajo La’aan….. Dadkuna  Waxa Ay Aaminsan Yihiin Qofku Haddii Aanu Aabihii Siyaasi Ahayn Inaanu Fuuli Karin Salaanka Nolosha”

 Hargeysa (Wajaale News)-  Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) ayaa habeenkii xalay ku xaflad loogu qabtay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa ku soo bandhigay maansooyin door ah oo uu ka hadlayo qaybaha kala duwan ee noloshada umadda.

Madasha uu abwaanku ku soo bandhigayey maansooyin ka mid ah maansooyinka maskaxdiisa ka soo maaxday waxa ka soo qayb galay boqolaal dhalinyaro ah, kuwaasi oo xiisaynayey dhagaysiga maansooyinka abwaanka, waxaana ka mid ahaa maansooyinka uu abwaanku madasha ka akhriyey Galiilyo oo ah maanso ka hadlaysa tahriibku dhibaatada uu bulshada u gaystay iyo sida dhalinyarta looga baahan yahay inaanay u tahriibin wadan aanay waxba uga horeyn, waxaanu abwaanku isaga oo ka hadlay maasnadan sheegay inaanay wakhtigan ku dhalan, balse ay ku dhalatay wakhti hore oo uu dhiganayey jaamacada Camuud, wakhtigaasi oo dhalinyaro badan oo ka tirsan dhalinyarada reer Boorama ay tahriibeen kuna leedeen bada, isaga oo sheegay in maansadan waxa uu ku xusuustay ay tahay in ay maantana wali taagan tahay saamaynteedii, isaga oo sharaxaad kooban ka bixinaya ka hor intaanu maansada tirin, waxa uu yidhi “waxa aynu maqli jirnay Kulmiye wuu tagayaaye ha tahriibinee jooga, hadana wali sideedii uunbay u sii socotaa oo waxaabad moodaa in markii hore aan maqli jiray oo aan bulshada saamaynteeda ka arki jiray, balse imika aniga ayaabay I taabatay oo xubno ka mid ah qoyskayagu tahribeen, waxaanan qabaa in waxa loo tahriibayaa ay tahay rajo la’aan uun oo dadku waxa ay aaminsan yihiin qofku haddii aanu aabihii siyaasi ahayn inaanu fuuli Karin salaanka nolosha”.

Abwaan weedhsame ayaa sidoo kale waxa uu halkaasi ku soo bandhigay maanso ka hadlaysa dhaliilo badan oo ay leeyihiin golaha baarlamaanka  Somaliland, maansadaasi oo uu ugu magac daray Dulmi neceb, isaga oo ka sheekeeyey xeerar aanay bulshadu qaadi Karin oo ay xubnaha golaha wakiiladu ansixiyeen, kuwaasi oo ay ka dhex arkeen oo kaliya dantooda.

Sidoo kale Maasno uu ugu magac daray Kal-ceebeed oo uu kaga hadlayo siyaasiyiinta iyo sida ay bulshada ugu dhex abuureen khilaafka iyo qabyaalada ayaa madasha ka tiriyey, waxaanu abwaanku ka sheekeeyey muhiimada ay leedahay in ay bulshadu dantooda gartaan.

Wajaale News Desk

Hargeysa / Somaliland

COMMENTS
LINKS