|
|||||
WAJAALE NEWS
Warbixintii Human Rights ee Xadgudubyada loo geysto Qaxootiga Soomaalida iyo Kenya oo iska fogeysay
May 30, 2013 - Written by Wariye:
Wajaalenews.net (WJN) Warbixintan oo dheer ayaa lagu qeexay sida ay ciidamada Kenya jirdil iyo silicyo kale ugu geysteen in ka badan 1000 qof oo Soomaali ah, hawlgaladii sanadkii lasoo dhaafay iyo horaantii sanadkan ay ka fuliyeen xaafada Islii ee magaalada Nairobi. Warbixintan ayaa lagu tilmaamay in isir-sooc ay ku sameeyeen ciidamada Kenya qaxootiga Soomaalida ah iyo waliba dadka kasoo jeeda wadanka Itoobiya, xiliyada ay hawlgalada wadeen. Waxay sidoo kale ciidamada Kenya geysteen jirdil iyo xarig sharci daro ah oo aan waxna laga qaban ayaa lagu yiri warbixinta Human Rights Watch oo ah tii ugu horeysay oo si weyn loogu cambaareeyo falalka ay ku kacaan ciidamada Amniga. Warbixintan ayaa sanadkan si weyn ay saxaafada Caalamka usoo hadal qaadeen, wallow aysan cusbeyn falalka noocaan ah oo ay ciidamada Kenya si joogto ah ugu geystaan dadka Soomaalida ah. Balse warbixintan ayaa kusoo beegmaysa xili indhaha caalamka uu kusoo jeedo dalka Kenya oo Madaxweynaha dhawaan loo dirtay xilka ay danbibaaris ku wado maxkamada caalamiga ah ee ICC. Arrintaasi oo laga yaabo in dowlada Kenya ku khasabto inay wax ka qabato falalka joogtada ah ee loo geysto dadka rayidka ah iyo qaxootiga Soomaalida. Dowlada Kenya aya sheegtay inay baaritaan ku sameyn doonaan dadka falalkan lagu eedeeyey ee askarta ciidamada Amniga, wallow xubno dowlada u hadlay ay dhamaantood sheegeen in wax badan oo ku jira warbixinta Human Rights Watch ay yihiin kuwo la buun buuniyey. Hase yeeshee hay’adaha kale ee u dagaalama Xaquuqul Insaanka sida Amnesty International iyo waliba Jaaliyadda Soomaalida ee Kenya ayaa si wadajir ah usoo dhaweeyey warbixintan oo ay ku tilmaameen mid salka ku heysa xaqiiq jirta oo in muddo ah indhaha laga qarsanayey oo aan waxna laga qorin.
wajaaalenews.net by eng.salah abdaleh Related posts:Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabay Xildhibaan Dhakool Oo Si Cad Uga Horyimid Qaranni... Wasiirka Biyaha Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray 2 Ceel Biyood Oo Laga Hirgaliyay Magaalada Berbera Gudoomiye Kuxigeenka Gudida Qandaraasyada Qaranka Oo Kormeer Ku Tagay Saldhig Xukuumada Ka Hirgalina... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|