|
|||||
WAJAALE NEWS
Maamulka Somalia Iyo Madaxda Dowladda Masar Oo Qorsheynaya Sidii Somaliland Dib Loogu Qabsan Lahaa Si Loo Helo Fadhiisimo Milatry Oo Xoogan Oo Laga Ilaalin Karro Biyaha Wabiga Niilka Ee Ethiopia” Cali Maxamed Waran Cade
May 30, 2013 - Written by Wariye:
Wajaalenews.net (WJN) Qorshan cusub ee Maamulka Somalia hor keenay Barlamanka Somalia ee ku baaqaya in xeer lagu ansixiyo in la xasiliyo oo maamulka muqdisho la hoos keeno goboladda Somaliland , waxay bilow u tahay siyaasad cusub oo Madaxda Masar iyo maamulka Somalia ku heshiiyeen in la abuuro qorshe dib xoog loogu qabsanyo Somaliland si looga sameeyo dalka Somaliland fadhiisimo Milatry oo xoog leh oo laga ilaaliyo Biyaha wabiga niilka ee ay ku muransan yihiin Ethiopia iyo Dowladda Masar. Qorshan cusub oo faragalin qaawan ku ah Qaranimada Somaliland iyo gooni isu taageeda, ka dib markii wasiirka amniga Somalia horkeenay Mashruuc sharci oo dhigaya in la xasiliyo gacanta dowladana lagu soo celiyo wax uu ugu yeedhay 18 Gobol ee ay ka koobnaan jirtay Jamhuuriyadd Somalia ee burburtay 1991kii , Qorshahan oo ay ku cadahay in maamulka Somalia diyaarinayo dagaalo cusub oo saameyn ku yeesha geeska Africa, isla markaana uu wasiirka amniga somalia uu ku cadeeyey qoraalkiisa uu shalay u gudbiyey Golaha Barlamanka Somalia ee uu ku dalbanayo in loo sharciyeeyo in la xasiliyo gacanta dowladana lagu soo celiyo18kii Gobol ee Somalia oo somalilandna ku jirto. , waxaa hubaal ah in Qalabka Millatry ee Masar ay ku soo daad gureyneyso Somalia uu yahay mid loogu tallo galay in lagu khal-khal galiyo Dalka Somaliland iyo Dalka Ethiopia ee aynu dariska nahay.
Sidaa awgeed waxaa cad in Cunaqabateyntii hubka ee Qaramada midoobay kaga qaaday Somalia ay tahay talaabo halis ku ah Nabad galyada Geeska Africa oo u dhuumatay Qaramada Midoobay, sidaa darteedna ay haboon tahay in dib loo joojiyo Hubka Masar ay ku soo daad gureyneyso Somalia oo ay ka taagan yihiin colaado sokeeye una gudbi kara Wadamadda dariska la ah sida Somaliland , Ethiopia iyo Kenya. Waxaana la gudboon shacabka iyo dowladda somalilandba in ay ka digtoonaadaan khatarka ka soo wajahan Maamulka Muqdisho ee taagta daran. Isla markaana waxaan ugu baaqaynaa dhalinyaradda reer Somaliland in ay qorshaha ku darsadaan sidii ay u difaaci lahaayeen Dalkooda, una diyaar garoobaan sidii ay xeryaha tababarka Ciidanka Qaranka ugu qaadan lahaayeen tababar military. Dowladuna ay howlahaasi u fududeyso si ay uga qayb qaataan difaaca qarankooda haddii loo baahdo.
ALLAA MAHAD LEH By Eng.Salah Abdaleh Related posts:DAAWO: Gudoomiye kuxigeenka 1Aad Ee Golaha Wakiilada Oo Ka Hadlay Saami-qaybsiga Kuraasta Gollaha Wa... Taliyaha Ciidanka Dab Damiska Oo faah Faahin Ka Bixiyay Dab Ka Kacay Meherad Ku Taala Badhtamaha Suu... Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Oo Sheegay In Aanu Isagu ka Hadal Arimaha Doorashooyinka iyo fariinta... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|