Jaahwareer Siyaasadeed Oo Soo Wajahday Siyaasadii Arrimaha Dibadda Somaliland Iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Shirkii Somaliya Ee Uu Ka Qayb Galay Ku Sheegay Mid Loo Qabtay Somaliya Iyo Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jaahwareer Siyaasadeed Oo Soo Wajahday Siyaasadii Arrimaha Dibadda Somaliland Iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Shirkii Somaliya Ee Uu Ka Qayb Galay Ku Sheegay Mid Loo Qabtay Somaliya Iyo Somaliland
May 30, 2013 - Written by Wariye:

 

Hargeysa (wajaalenews) inta badan waxa jirta kalmado ay isticmaalaan masuuliyiinta xukuumadda somaliland kalmadahaas ayaynu ku soo qaadan doona qoraalkeenan

masuuliyiinta somaliland ayaa ka qayb galaya shir loo qabtay somaliya kadibna intay saxaafadda la hadlaan ayay odhanayaan shirkaasi wuxuu ahaa mid lo qabtay somaliland iyo somaliya hadda meeshaba somaliland kuma jirto ee waa somaliya oo kaliya balse waxay kalmadani noqotay mid astan u noqotay masuuliyiinta xukuumadda waxaanay kalmadani noqanaysaa mid been ah oo aan waxba ka jirin

hadaba hadii aan u soo daadago dulucda qoraalka wasiirka arrimaha dibadda somaliland ayaa maalintii daraad ahayd ka qayb galay shir lagaga hadlayay ganacisga sidii loo maalgalin lahaa somaliya hadaba wasiirka oo shirkaas kadib warbaahinta qar la ahdlay ayaa sheegay in shirkaas loo qabtay somaliland iyo somaliya hadda meeshaba kama muuqato astaan uu leeyahay dalka somaliland waxaana goobta shirka ku xardhan calanka somaliya iyo astaanta somaliya balse wasiirka ayaa isagoo is difaac ku jira istcimaalaya kalamadan ah waxa shirka loo qabtay somaliland iyo somaliya lkn hadda dadka reer somaliland si fiicanbay u barteen kalamadan la isticmaalayo marka dawladda somaliland ka qayb gashi shirarka somaliya kalmadaas oo ah shirkaas waxa loo qabtay somaliya iyo somaliland iyadoo meeshaba aanay somaliland ku jirin ayay masuuliyiintu dadka been cad u sheegaan, hadaba waxaan idiin soo gudbinayaa qoraal uu wasiira khaarajigu kaga hadlayo shirkii nairobi isago wasiirku ku soo celcelinaya kalmadii aynu hore u soo xusnay.

wasiir abdilahi

Dr. Maxamed C/laahi Cumar waxa kale oo uu ka hadlay u jeedada shirkaasi iyo waxyaabihii lagaga hadlay, waxaanu yidhi “u jeedada shirkaasi waxay ahayd in maal qabeenada aduunka ee maal geliyada ganacsatada afrika oo ka soo qayb galay kulankaasi kuwaasi oo isugu jiray carab iyo afrikaan kaleba, si ay u arkaan wax soo saarka iyo shrikadaha ganacsiga ee Somaliland iyo Soomaaliya si loo kobciyo oo ay u helaan maal gelin iyo kaabeyaal dhaqaale”.

Wasiirka arrimaha dibada iyo si-kaashiga caalamiga ah ee Somaliland waxa kale oo uu tilmaamay in Somaliladn ay shirkaasi ku soo bandhigtay fursadaha maalgashi ee Somaliland ka jira iyo in ay Somaliland u furan tahay maalqabeenada aduunka ee doonaya in ay maalgashadaan arrimaha horumarka sida macdanta, kalluumaysiga iyo waxyaabo kale.
“Somaliland waxay soo bandhigtay siyaasadeeda dhinaca maalgashiga iyo in ay Somaliland u furan tahay maalqabeenada caalamka ee doonaya in ay maal gashadaan horumarka Somaliland ee xagga macdanta, beeraha gaar ahaan kalluunka, wershadaha iyo arrimaha kale ee xagga horumarka, waxaanan soo bandhignay khayraadka ay Somaliland leedahay iyo frusadaha ganacsi ee Somaliland doonayso in ay kobciso. waxaanu ka codsanay qayb ka mid ah kobcinta dhaqaalaha dalka” ayuu yidhi wasiirku.

Ma jirto meel ay somaliland kaga xusantahay shirkan bal eeg beenta cad ee uu sheegayo wasiirka khaarajigu

Dr. Maxamed C/laahi Cumar waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta guddaha ee Somaliland oo sheegayay in ay xukuumada Somaliland ka qayb gashay shir lagaga hadlayay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “shirkani waxa uu ahaa shir ay soo qaban qaabisay hay’ad ganacsi oo fadhigeedu yahay Somaliland oo ka diiwaan gashan, waxaana lagaga hadlayay sidii loo kobcin lahaa shirkadaha ganacsi ee Somaliland iyo Soomaaliya ka jira, muu ahayn shir siyaasadeed iyo shir arrimo kale lagaga hadlayay, ee wuxuu aha shir horumarinta xagga ganacsiga lagaga hadlayay ayuu ahaa”.

Wasiirku wuxuu beeninayaa warar xaqiiq ah oo la wada ogyahay waxaana halkan ka muuqata sida cad ee wasiirku beenta u sheegayo shacabka reer somaliland kama qarsoona dulucda shirkani manuu ahayn shirkani mid somaliland dhinacna kaga xusnayd sida ka muuqatay muuqaalka shirka, shirku wuxuu ahaa mid somaliya u gaar ah marka uu wasiirku leeyahay somaliland iyo somaliya ayay ahayd halkeebay kaga cadayd shirka in somaliland  si dal madaxbanaan uga qayb gashay shirka waxa iska cad in shirkan somaliland uga qayb gashay si maamuul goboleed ah balse wasiirku wuxuu jaahwareerinayaa shacabka reer somaliland ee xaqiiqda og waxaanay u muuqataa in xukuumadda somaliland hunguri gaaban ay siisanayso gooni isutaagii somaliland hadaan shacabku si degdeg ah uga tashan maamulka siilaanyo wuxuu dalku ku dambayn doonaa meel halkan ka sii xun waayo waxaynu arkaynaa qaabka ay u dhaqmayso xukuumadda siilaanyo.

 

Wajaalenews.net

BY Eng.Salah Abdaleh

COMMENTS
LINKS