AMISOM oo Raalligelin ka Bixisay Shil ka Dhacay magaalada muqdisho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
AMISOM oo Raalligelin ka Bixisay Shil ka Dhacay magaalada muqdisho
January 28, 2014 - Written by Editor:

MUQDISHO WAJAALENEWS ;Ciidamada ka hawlgalka gudaha somalia AMISOM ayaa sheegay  inay ka xunyihiin shil maanta ka dhacay  wadada Maka al Mukarrama ee magaalada Muqdisho.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska  Madaxa guddiga Midawga Afrika u qaabilsan Somalia  Maxamed Saalax Nadiif ayaa lagu xusay in ciidamada nabad ilaalinta ee midawga Afrika ee AMISOM ay ka xunyihiin shilkaasi isla markaana ay tacsi iyo raalligelin ay u dirayaan qoyskii iyo qaraabadii marxuumka  shilkaasi ku dhintay.

Sida ku xusan war saxaafadeedka AMISOM shilkan ayaa ka dhacay agagaarka hotel Ambassdor halkaasi oo mid ka mid ah baabuurta gaashaaman ee ciidmada AMISOM uu ku dhacay ninkaasi oo taksiile ahaa.

AMISOM ayaa war saxaafadeedka ku xusatay inay la shaqaynayaan booliska Somaaliya isla markaana natiijada soo baxda talaabo laga qaadi doono.

Sidoo kale wasaaradda arrimaha gudaha ee Somalia ayaa shilkan tacsi ka gudbisay isla markaana xustay in la baadhayo dhacdadan.

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS