Sheekh Dirir Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Wax Ka Qabato Dhaqan-Xumadda Qaar Ka Mid Ah Hotelada Hargeysa Laga Soo Wariyo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sheekh Dirir Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Wax Ka Qabato Dhaqan-Xumadda Qaar Ka Mid Ah Hotelada Hargeysa Laga Soo Wariyo.
December 22, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa(Wajaale News):-Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka mid ah culimada Somaliland, ayaa ugu baaqay xukuumada iyo dadka wanaagga ka shaqeeya in ay wax ka qabtaan dhaqan xumada laga sheegayo qaar ka mid ah Hudheelada Magaaladda Hargeysa.

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo khudbad uu  ka jeediyay Masjidka Rusheeya ee Badhtamaha Magaaladda Hargeysa, ayaa si weyn uga damqaday dhalinyaro rag iyo dumar leh oo habeenkii ku caweeya hoteeladda Qaar, kuwaas oo sameeya waxyaalo diinta iyo dhaqankaba ku fiicnayn loona baahnayn.

sheekh dirir

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo arriamhaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxa Maalin Dhaweyd ii yimid niman dhalinayaro ah oo ilaahay ha barakayee jaamacadaha dalka Wax ka barta.

Waxa ay ii sheegeen oo igu yidhaahdeen sheekh Bal waxa aad ka hadashaan Hudheelada Magaalada Qaarkood ayaa habeenkii ay isugu yimaadaan kooxo dhalinyaro ah oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaas oo ku soo labista dhar gaagaaban, waxaanay goor dambe ka soo dareeraan Hudheelada iyaga oo cabsan. Markaa waxa aan xukuumada iyo dadka wanaagga ka shaqeeya aan odhan lahaa arrintaas waa in wax laga qabtaa” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir.

Sheikh Maxamed Dirir ayaa xukuumadda si weyn ugu baaqay inay wax ka qabtaan dhaqamadda cusub ee laga soo sheegayo hoteeladda qaarkood, kuwaas oo u baahan in wax laga qabto.

Hargaysa Office
Wajaale News
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS