Dibedbaxyada lagu taageersan yahay Madaxwaynihi hore ee Dalka Masar Maxamad Mursi iyo kuwa lagaga soo horjeeda oo galay maalintii afaraad ayaa wali ka socda Dalka Masar | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dibedbaxyada lagu taageersan yahay Madaxwaynihi hore ee Dalka Masar Maxamad Mursi iyo kuwa lagaga soo horjeeda oo galay maalintii afaraad ayaa wali ka socda Dalka Masar
July 7, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa (Wajaale News)- Taagerayaasha Mursi ayaa maalintii afaraad deggan dhowr fagaaro oo ku yaalla magaalada Qaahira.

Waxay dalbanayaan in xukunka lagu soo celiyo Maxamad Mursi oo militerigu jagada ka qaadeen.

Mursi iyo dhowr hoggaamiye oo ka tirsan xisbigiisa iyo ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa weli xabsiga ku jira.

Dhinaca kale, madaxweynaha KMG Masar, Cadli Mansur, ayaa sheegay in uusan Maxamad Al-Baraadici u magacaabin Ra’iisalwasaare in uu ka noqdo Masar.

Goor sii horreysay ayaa war ka soo baxay xafiiska madaxweynaha lagu sheegay in Al-Baraadici la magacaabay.

Magacaabidda Al-Baraadici waxaa ku gacanseyray xisbiga Islaamiga ee Al-Nur oo qeyb ka ahaa hanaanka isbeddelka looga samayanyo dalkaasi.

Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa iyaguna ku gacanseyray Al-Baraadici, iyagoo sheegay in magacaabiddiisa ay militerigu ka dambeeyaan.

 Wajaale News Desk

Hargeysa / Somaliland

COMMENTS
LINKS