Madexweynaha Ismaamulka Kililka Shanaad Ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Tog-Wajaale Booqasho Ku Imanaya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madexweynaha Ismaamulka Kililka Shanaad Ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Tog-Wajaale Booqasho Ku Imanaya
October 26, 2013 - Written by Wariye:

cabdi maxamuud cumarTog-Wajaale(Wajaale News)-Madexweynaha Ismaamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Kililka Shanaad Cabdi Maxamuud Cumar(Cabdi-Iley), ayaa Booqsaho kusoo gaadhaya Magaala Xuduudeeda Tog-Wajaale ee Dhinaca Daanta Itoobiya oo Maamul ahaan hoosta Degmada Aw Barre ee Gobolka Faafan.

Dadweynaha kunool Dhinaca Daanta Itoobiya ee Magaala Xuduudeeda Tog-wajaale, iyo Maamulka kililka ee heer Degmo ayaa siweyn looga dareemayay galinkii dambe ee Maanta dhaqdhaqaaqa ay ugu diyaar garoobayaan soo Dhaweynta Madexweynaha Kililka Shanaad Cabdi Maxamuud Cumar(Cabdi-Iley), oo Socdaalkiisan Tog-Wajaale ee Dhinaca
Itoobiya oo Maamulkiisa hoos yimaadaa ay u noqoneyso markiiugu horeysay ee nooceeda ah oo uu halkaasi kusoo gaadho safar noocan oo kale ah tan iyo intii uu noqdey Madexweynaha.

Socdaalka Madexweynaha Kililka Shanaad, ku imanayo Magaala Xuduudeeda Tog-Wajaale ee dhinaca Daanta Itoobiya, ayaa waxey kusoo beegmeysaa xili ay Guud ahaanba Bulshada Reer Somaliland ee Degmooyinka iyo Gobalada kala duwani siweyn u hadal hayaan muwaadin u dhashey dalka Somaliland oo dhawaan Ciidamadiisa gaarka u ah ee Booliis-Liyuugu ku dileen dhinaca Somaliland ee Degmada Balicabane oo kamid ah Degmooyinka Xuduuda u dhexeysa Itoobiya iyo Somaliland ku teedsan, iyadoo dhinaca kalena markii dhacdadaasi dhacdey ay wafti Golihiisa Wasiirada ahi ku sugnaayeen Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 

Wajaale News

Hargaysa Office

Info:wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS