Taliyaha Ciidanka Qaranka Gobolka Badhan Oo Saaka Talaabo Ka Qaaday Masuuliyiin Puntland Ka Socotay Oo Gobolkaasi Soo Gaadhay Saacado Gudohoodna Kaga Saaray Magaalada Badhan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliyaha Ciidanka Qaranka Gobolka Badhan Oo Saaka Talaabo Ka Qaaday Masuuliyiin Puntland Ka Socotay Oo Gobolkaasi Soo Gaadhay Saacado Gudohoodna Kaga Saaray Magaalada Badhan
June 25, 2013 - Written by Author

Badhan( Wajaale News )- Taliye_GurayTaliyaha ciidamada qaranka ee fadhigoodu yahay gobolka badhan Cornayl Yaasiin Cismaan Saalax ”Guray”ayaa maanta talaabo adag ka qaaday masuuliyiin ka socda maamulka puntland kuwaaso gobolka badhan u yimid sidii ay shaqaale ka shaqeeya doorashada la filayo inay puntland ka dhacdo tababaro iyo siminaaro usiin lahaayeen.
Waxana taliyuhu saaka subaxnimadii markii uu ka war helay nimankaasi ka socda puntland uu ku weeraray hotel-ka ay kasoo degeen magaalada badhan isagoona amar ku siiyay inay sida ugu dhakhsaha badan uga baxaan gudaha magaalada badhan.
Taliye Guray oo goordhowayd khadka telefoonka ugu waraymaya Weriye Mohamed Yousof Bakayle Ayaa isagoo ka hadlaya sida falkaasi saaka udhacay Waxa uu Yidhi

”Waxan saaka magaalada ugu soo dhex toosay ninman isku deyeya inay magaalada badhan ka qabtaan siminaar doorashada puntland looga hadlayo waxana nimankaas wata nin la yidhaahdo nuur shire cismaan iyo niman kale markay qolada dhega dhegaynto iisoo sheegtayna halkaa ciidamada qaranku weerar ayay kadib ku qaadin wayna galeen hotel wayn buu ahaa qolaalkii ayayna hoosta ka xirteen”

Taliye Guray oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadda qaranku mudo laba saacadood ah isku weer ka qabteen hotelkaasi

Waxana uu yidhi

”Hal laba saacadood ah ayaa ciidamaddu isku weer ka hayeen hotelkaas kadibna Odayashi magaalada ayaa isugu yimid waan waan odayadu keeneen in nimankaasi dibada loo saaro oo ay meeshi ay ka yimaadeen qabtaan ayaa laysla qaatay waxaynay odayaashi yidhaahdeen nimankaas anagaa hada magaalada ka saarayna”

Taliye Guray Osman ayaa dhayda ka cadeeyay in ciidamadda qaranku ay nimankaas ka socda maamulka puntland ka caydhiyeen guud ahaanba gobolka badhan

Waxana uu yidhi

”nimankaas laba gaadhi ayaa la saaray oo reeruhu leeyihiin gaadhigii ay soo kiraysteen oo dad shicib ahi lahaayeen wax khasaare ah oo ka dhashay saarista nimankaasi xaqdarada kusoo galay gobolkana ma jiraan wax usoorta galayna ma jiraan magaaladana way iskaga cararareen”
Taliye Guray ayaa ku baanay in ciidamadda qaranka somaliland ee gobolka badhan ayaa taalabo sharci ah ka qaadi doonaan cidkasta oo isku dayda inay ku kacdo waxyabaha ka hor imanaya qaran nimada madax banaanida iyo jiritaanka somaliland.

Wajaale News Desk

Hargeysa Somaliland

COMMENTS
LINKS