Daawo: Sawirada Hubkii Uu Siday Markabkii Berbera laga Qabtay Iyo Wasiir WARANCADE OO SHeegay in hubkaa laga dajinayo markabka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo: Sawirada Hubkii Uu Siday Markabkii Berbera laga Qabtay Iyo Wasiir WARANCADE OO SHeegay in hubkaa laga dajinayo markabka
January 30, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(W.N)-Markabkii MC Shaakir ee toddobaadkii hore lagu qabtay dekedda Berbera, ayaa weli xayiran iyadoo uu wasiirka daakhiliga Md. Cali Maxamed Warancade sheegay in hubka laga dejinayo si ay dawladu ula wareegto. Markabka ayaa lagu qabtay isagoo sida hub isugu jira baabuurta dagaalka, kaare, beebee, iyo laashka dheereeya ee dagaalka, waxaanu markabka oo ka yimid dalka Suudaan uu wasiirka daakhiliga Md. Cali Maxamed Warancade sheegay inay baadhis ku samaynayaan halka uu hubku u socday iyo cidda iska lehba, lamana hayo faahfaahin dheeraad ah. Wasiir Warancade oo ay shalay shabakadda wararka ee Wajaalenews wax ka weydiisay arrinta markabkaas ayaa si kooban u yidhi “Markabkaasi wuu xidhan yahay hubkana waa Laga dajinyaa Sidaasna wuu ku xidhanyahay, wax dib loo saarayaana ma jirto, baadhitaano xooganina way ku socdaan.”

Wajaale news ayaa heshay sawirada qaar ka mid ah baabuurta dagaalka ee markabka saaran oo ay ka dhex muuqdaan gaadhi uu saaranyahay qoriga loo yaqaan Suuga, Kaare ah nooc casriga ah ee dheereeya iyo baabuur kale oo dagaal. Warar aan la xaqiiin ayaa sheegaya in hubka loo waday carwo lagu qabanayo Dubai oo hubka lagu soo bandhigayo iyadoo la sheegayo in laga soo qaaday dalka Suudaan oo uu u dhashay mulkiilaha markabku.
markab3
markab 2

Warbaahinta Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay aad warbixino uga qoraysay markabkan hubka sida iyo meelaha la tuhunsanyahay inuu u socdo.

COMMENTS
LINKS