Madexweyne Ismaaciil Cumar Geele Oo Lafilayo inuu Xabsiga Kasii Deynayo Dabyaaqada Bishan Ramadaan Ilaa Munaasibada Ciida Wadaado Loo Xidhey Arimaha Siyaasada Xiligii Doorashada Baarlamaanka iyo Mudane Xabsiga Laga siidaayay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madexweyne Ismaaciil Cumar Geele Oo Lafilayo inuu Xabsiga Kasii Deynayo Dabyaaqada Bishan Ramadaan Ilaa Munaasibada Ciida Wadaado Loo Xidhey Arimaha Siyaasada Xiligii Doorashada Baarlamaanka iyo Mudane Xabsiga Laga siidaayay
August 4, 2013 - Written by editor

Djbouti(WJN)-Madexweynaha dalka Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa, lafilayaa in uu ooda ka qaadi doono dabayaqaada bishan barakeysan ee Ramadaan

 

Djbouti(WJN)-Madexweynahadalka Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa, lafilayaa in uuooda ka qaadi doono dabayaqaada bishan barakeysan ee Ramadaan ilaa MunaasibadaCiidul-fidriga Wadaado Reer Jabuuti ah oo Xabsiga loo taxaabey wakhtigii laguguda jirey Doorashadii Baarlamaanka dalka Jabuuti.

 

 

Sida ay Shabakada Wararka Wajaalenews u xaqiijiyeen muwaadiniin Reer Jabuuti ahoo ku sugan gudaha Dalka Jabuuti waxa maanta laga sii daayey Xabsiga Weyn eedalka Jabuuti ee Gabood Xildhibaan kasoo baxey Gobolka Dikhil oo katirsanMudanayaasha, isu taga Mucaaridka Jabuuti oo Magaciisu yahey Subeer MaxamedRooble kaas oo hogaamiye u ahaa Ururka layidhaa Model, iyadoo dhawaana laFilayo in uu Madaexweynuhu cafis u fidin

doono Xabsigana kasii deynayo WadaadoReer Jabuuti ah oo Xabsiga loo Taxaabey mudadii lagu guda jirey DoorashadaBaarlamaanka dalkaasi.

 

Wadaadanoo ah Sadex kamid ah Culimada dalka Jabuuti ayaa la Sheegay in ay hada Xabsigakujireen mudo ilaa Lix bilood ah kuwaas oo uu kamid yahey Sheekh CabdiraxmaanBashiir Sheekh Cabdiraxmaan iyo Sheekh Giire Maydal, waxaana la sheegay in lagueedeeyey taageero ay u muujiyeen Xisbiyada Mucaaridka, Waxaana la Xidhan DaahirAxmed Faarax oo isagu mudo badan kamid ahaa Mucaaridka dalkaasi ee ku sugnaaDalka Dibadiisa kuna magac dheer(DAF).

 

 

Wajaale News Desk

 

Djbouti Office

 

Email : wajalenews@gmail.com

 

 

 

COMMENTS
LINKS