Todobaadkan Iyo Weriyaha Laanta Curdinka‏ (Qalinkii Haamud Ducaale) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Todobaadkan Iyo Weriyaha Laanta Curdinka‏ (Qalinkii Haamud Ducaale)
July 30, 2013 - Written by editor

odobaadka wuxuu weriyaha laanta curdinku, innoo soo koobayaa, aflagaadoonkii iyo majaro habaabintii loo adeegsadey………
Bustaaloo barakadaada Xertaada u soo banaan dhig.

Golaha fulinta: M/weynuhu si uu u beeniyo habruhu isma xukumi karaan, oo shisheeyuhu ku xaman jirey, wuxuu mideeyey sedexdii gole qaran iyo sedexdii xusbi qaran. Maddaama ay shin dhaafeen, shuruucdiina buryeen oo xusbi furteen, wakiilo kama ah dadka nool. Sidaa daraadeed Waxaanu ka dhignay muriidyada meytida, tafiirtii sheekha Maydh yaal iyo wuxuu caga ku qaato. Odayaal dhaqameedkuna waa khaadimyada maqaamyada meytida, waa dir cunno iyo caado qaatayaal. Tnabaha iyo waxqabadkani waa kuwa lagu xasuusan doono M/weynaha maanta. Waa muriidka muriidyada. Golaha wadatashiga iyo toosintu gudcur bay gudyaan, maba oga gu’ iyo dayr mid la gaadhi doono. Ha ku daallin warkooda.

Todobaadka wuxuu weriyaha laanta curdinku, innoo soo koobayaa, aflagaadoonkii iyo majaro habaabintii loo adeegsadey warbaahinta qaranka ee dhinaca keliya ahayd, laguna daadufeenayey xubno ka tirsan Golaha wada tashiga iyo toosinta oo ay M/weynaha Axmed Maxamud Silaanyo taariikh nololoodkoodu masa yahay, xummaan iyo samaanba. Waxay ku hadaaqayeen iyo dawladnimo waaba kaaf iyo kala dheeri. Wuxuu weriyuhu halkan ku soo tebinayaa, weedhihii Xerta Bustaale iyo aragtiyihii qaar ka mid ah dhegeystayaasha. Golaha wada tashiga iyo toosinta qaranku amma ardaaga wadatashiga iyo toosinta qaranku, wuxuu u ololaynayaa danaha iyo hadba baylaha muuqata. Xusbi ma ah hogaaminta qaranka u tartamaya. Wuxuu ka dhex ololaynayaa golayaasha jira, xusbiyada jira iyo bulshada. Dimuqraadiyada iyo Islaamka ayaa ku salaysan talo wadaag iyo xorital qawl in muwaadinku yeesho.

Barnaamijyada waxaa dhextaal u ahaa:”Bustaaloo barakadaada, Adeeroo oo adeerow, xerta u soo banaan dhig”. Ma laha Adeer, Jaalle ayaa dhaantey, marka dawladnimo laga hadlayo.

Furitaanka barnaamijka iyo dhextaalka barnaamijyada: Bustaaloo brakadaada; xertaada u soo banaan dhig.

Madaxtooyada: UF UF iyo cankag, ishiish, akhas. Waa waxoodii xilka lahaa, habartii timaadaba weligood darka way ka dhooqayn jireen, laga soo bilaabo C/raxman Tuur. Golahani xagguu jirey markaan Gar-adag ka ololeenaayey. Golahani xagguu jirey markaan hadhaagii faqashta ee Cabdiraxmaan iyo Cigaal soo hogaaminayeyn, Riyaale iyo wixii la saftay ku adyadoonaayey. Intuu Saylici cunni lahaa amma talin lahaa Xirsi Xaaji Cali ha beesasto oo ha ka buruud sareeyo codadkii dadweynuhu siiyey M/weyne ku-xigeenka, masabidka ah, maxaayeelay laftuu faqash ka yahay, Soo sidaa ma ah?

Golaha fulinta: M/weynuhu si uu u beeniyo habruhu isma xukumi karaan, oo shisheeyuhu ku xaman jirey, wuxuu mideeyey sedexdii gole qaran iyo sedexdii xusbi qaran. Maddaama ay shin dhaafeen, shuruucdiina buryeen oo xusbi furteen, wakiilo kama ah dadka nool. Sidaa daraadeed Waxaanu ka dhignay muriidyada meytida tafiirtii sheekha Maydh yaal iyo wuxuu caga ku qaato. Odayaal dhaqameedkuna waa khaadimyada maqaamyada meytida, qaran ma haybsan karaan. Waa tabaha cusub iyo waxqabadka M/weynaha lagu xasuusan doono. Waa muriidka muriidyada. Golaha wadatashiga iyo toosintu gudcur bay gudyaan, maba oga gu’ iyo dayr mid la gaadhi doono. Ha ku daallin warkooda.

Xildhibaan: Sidaad wada ogtihiin, waxaynu leenahay sedex xusbi qaran iyo sedex Gole Qaran oo KULMIYE hortii ku salaysnaa, dimuqraadiyada, distoorka iyo talawadaag. Haatana KULMIYE ku saleeyey sedexda ashahaado iyo sedexda habrood oo meel loo dhaafaa aanay jirin. Maxaynu ka weyne. Sheikh meedhyaal ma ogola intaa wax ka badan. Golaha wadatashiga iyo toosintu dibada ayay ka yihiin diinta iyo dhaqanka oo waa danbiilayaal qaran oo laf cad toobin ku haya. Dadka nool bay ka talinayaan. Adeega meytada iyo waalidiinta, way dafirayaan.

Golaha la taliyayaasha guriga madaxtooyada hoganaya: Waa runtiisa, been ma sheegin. habar baa iska haw haw leh, barjaha innoo doona.

Odayaal dhaqameedka: Golahan wadatashiga iyo toosintu, waa tolbiis, qaadhaan diidyadu ku badan yihiin. Tolkii dimuqraadiyad bay ka doorbidayaan. In la fakiro ayay doonayaan, taasi oo baalmarsan hidaheena iyo dhaqankeena. Waa waajib in qof waliba waxay beeshoodu; hadba ku hadaaqayso ee la toosan; uu fuliyo. Hadday beeshu kay shalay ku dhaadan jirtey, maanta dhaliisho, waa in dhallinyaradu ku raacdaa, maxaa wac, danta odayaal dhaqameedka ayaa ku jirta, qab qabyaaladeed ayaa ku jira, beesaa ku jirta aan loo sinnayn.

Guddoomiyaha Kulmiye: Waar toloo aflagaadada jooja. Ataar xummada iyo ceebta dhgaweyne, waa ceebta iyo ataar xummada M/weynaha iyo tayda. Waxaana sii ataar xun kay beeshiisu qalad iyo saxba ku raacdo ee daba sunsunto.

Xidhitaankii barnaamijka: Bustaaloo, barakadaada xertaada u soo banaan dhig.

Dadweynuhu af-somaliga ku hadla iyo kuwa bartay, way wada dhegeysteen doodahaa jaban, ee haybadii qaran iyo haybadii dawladnimo shiiqiyey, meelkasta oo ay joogeen. Waana kuwan faalooyinkoodii qaar ka mida dhegeystayaashii qaayaha lahaa, oo aan waxba ka durugsanayn garaadka madaxdu ka duuleyso.

Dhegeysta1: Mar haddaan hantiyey hawshii dalkee nacab haysan jirey oo aan wixii hore la iiga dhacay soo hooyey shalay

Dhukane: Waa yeelkadaa. Ma awl baan laba ku lulanayey.

Dhegeyste1: “Intee baynu joognaa, intee baynu joognaa. Ma ifkii baa, ma aakhiraa. Ma israacii dhexdeenaan adkaynayaaye ilaalibaa.”

Dukane: Waa yeelkadaa. Maxaa iiga gidhiisha, haddii cirka iyo hawada la israacsho, dhulkuunbaan iska joogi.

Dhegeyste2: “Habartaan gardaashee, gaadiid sidiisii ku xanbaaray guudkaa, gondahayga goysee. Ma halayn gartaydee gacal baan la weeyoo, golihii la doortiyo, guurtidii bilaydbaa, Axdigii burburisee.”

Dhukane: Waa yeelkadaa. Maxaa iga galay. Garaad diidoo, Kud iyo qanjaad abnimo ku kala cugatee, ha ku cunno waraabuhu.

Dhegeyste3: Tunka ka leefa, waa taad kufriga nagu tilmaanteene.

Dhukane: Waa yeelkadaa. Shalay iyo maantu, waa dameer iyo labadiisii daan, wax isma doorshaan.

Dhegeyste: Bulshooy adigaa bokhradaye, sidaa ma isku qabnaa, mise waan qasnaa?

Dhukane iyo dhegeystayaashii oo dhan: Wagar. Mar haddii xaalku kaa yahay, hadda aan dhammaynee ku jar hadalka ku jar, hadda aan dhammaynee ku jar hadalka ku jar. Kula qasan maynee, ku jar hadalka ku jar, ku jar hadalka ku jar.

COMMENTS
LINKS